9 Febraayo 2015 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 07:29 SGA 04:29 GMT
Xulka Ivory Coast ayaa ku guuleystay koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay gool ku laad uga badiyeen xulka Ghana.
Ivory Coast ayaa ku badisay 9-8 gool ku laad, waxaana goolka guusha u dhaliyay goolhayahooda Boubacar Barry.
Waa markii labaad oo ay Ivory Coast koobkan ku guuleysato, iyada oo kii ugu horeeyay qaaday sanadkii 1992-dii, markaas oo ay Ghana uga badisay gool ku laad.