Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya baadhitaanka Midowga Afrika ay ku sameeyeen xadgudubka Haweenka Soomaaliya.
12.05.2015 23:04
Koox ka shaqeysa ilaalinta xuquuqda bani-aadanka ee Soomaaliya oo isugu jira EU, Norway, Swiss iyo Mareykanka oo aad ula socday daabacaadii warbixintii hay'adda xuquuqda aadanaha (HR watch) ee laga qoray tacadiyo iyo kufsi lagu eedeeyey ciidamada Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa waxaa kooxdu ay sheegtay in ay dhiirigalisay jawaabtii uu warbixinta kaga jawaabay ururka Midowga Afrika ee la xiriirtay tacadiyadii lagu eedeeyey
Kooxdan, ayaa ugu baaqday ururka Midowga Afrika in uu si deg deg ah u sameeyo guddi awood leh, madax bannaan oo si haboon loo maalgaliyay. Waxaa kooxdu ugu baaqday midowga Afrika in uu ka shaqeeyo sidii loo hirgalin lahaa tallooyinka ka soo baxay baaritaankooda.
Waxaa ugu horeeyay in howlgalka taageeridda nabadda ee Midowga Afrika uu ku shaqeeyo dhaqan anshax wanaag ah inta ay ku jiraan howlgalkooda nabad taageridda Soomaaliya.
Kooxda, ayaa tilmaamay in ay muhiimad gaar ah leedahay in mas'uuliyad ay si wadajir ah isu saaraan AMISOM iyo dalalka ciidamadooda ku jiraan sidii xukun cadaalad ah loo marin lahaa kuwa anshax xumada ku kaca iyo in la xaqiijiyo in la xisaabtan dhab ah uu dhaco, isla markaana la fududeeyo baaritaanka unugyada ciidan ee kays kasta oo ay ku lug yeeshaan shaqaalahooda.
Baaritaanada, ayaa loogu baaqay in ay noqdaan kuwo dhamaystiran oo aan dhinacna u janjeerin, lana maro tallaabo sharci oo saxan.
Waxaa lagu baaqay in Muqdisho laga sameeyo nidaam dadku cabashadooda ku soo gudbin karaan, lagana hortago in aan la dabagalin dadka cabasho ka soo gudbiyo xadgudugyada.
Waxaa la tilmaamay in ay tallaabo wanaagsan tahay samaynta maxkamado militari.
Waxaa kooxdu ay dhiirigalinaysaa in la xaqiijiyo in howlgaladda AMISOM ay noqdaan kuwo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Kooxda xuquuqda aadanaha Soomaaliya, ayaa xustay in mas'uuliyadda xaqiijinta shuruucda xuquuqda aadanaha caalamiga ah ay saaran tahay dhamaan ciidamada amniga ee dalka Soomaaliya ka howlgala, iyadoo ku celisay baaq loogu jeediyay dowlada federaalka Soomaaliya in ay bilowdo fulinta qorshe tallaabo qaadid oo ka dhan ah gafafka kufsigu ku jiro, la ballanqaado nidaam sax ah oo sharci, lana ilaaliyo xuquuqda dhibanayaasha iyo shaqsiyaadka khatarka u nugul.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka