Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka oo lagu wado inuu Muqdisho yimaado

05.05.2015 10:37

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry uu ku soo fool leeyahay magaalada Muqdisho, iyadoo Hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada ay ku soo qul qulayaan Muqdisho, si ay ula kulmaan.

Ilo ku dhow dhow dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya inay u badan tahay in John Kerry uu Muqdisho yimaado, maanta oo Talaado ah ama maalinta berri oo Arbaco ah, iyadoo wararka ku saabsan imaanshha Mr Kerry uu ahaa mid aad isu soo tarayay.

Sarkaal ka tirsan dowladda oo magaciisa diiday inaan sheegno, ayaa u xaqiijiyay runtanews.net in John Kerry uu duhurnimada maanta uu ku soo wajahan yahay Muqdisho, labo saacadoodna joogi doono, kadibna u duuli doono marka uu la kulmo Madaxda dalka somalia.

Wararka ayaa intaa ku daraya in John Kerry oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ay booqashadiisa tahay mid saacado ah, isla markaana garoonka diyaaradaha Aadan cadde kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa shalay gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho, sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa isna la filayaa inuu maanta soo gaaro, isagoo ku sugan dalka Kenya.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu dib u dhigay safar uu ku tagi lahaa dalka Talyaaniga, sababo kulanka Kerry awgiis.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Mr Kerry uu kala hadli doono Madaxda dowladda Soomaaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada, arrimaha dhameystirka maamulada federaalka, hiigsiga sanadka 2016 ee la filayo in Soomaaliya doorasho ka dhacdo iyo arrimo kale oo Amniga ka mid ah.

John Kerry ayaa u qorsheysan lugtiisa labaad ee safarka Geeska Afrika inuu ku tago dalka Jabuuti, halkaasoo uu Mareykanka uu ku leeyahay xero milateri oo ah tan ugu weyn ee Africa.

Haddii John Kerry yimaado Caasimadda Soomaaliya waxay noqoneysaa mas’uulkii u heerka sareeyay, tan iyo sanadkii 1993, xilligaasoo Mareykanka uu hogaaminayay howl galkii rajo soo celinta Soomaaliya.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET