Xog ku aadan isfahan waa ka dhexjira Madaxwayne Xasan iyo R/wasaare Sharmaarke & Qofka noqonaya safiirka USA oo Khilaafka keenay!!
10.05.2015 11:36Xog rasmi ah oo Shabakadda Runtanews.net ka heshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadeeyneysa in uu soo shaacbaxay khilaaf deg deg oo ka dhex curtay Madaxweynaha Xasan iyo Rayselwasaare Sharmaarke.
Khilaafkan cusub ayaa la xaqiijiyey inuu sababey markii madaxweynuhu go’aansadey inuu safiirka Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Mareykankanka uu u magacaabo Axmed Ciise Cawad oo isagu haysta dhalashada dalka Canada, kana shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha Qaramada midoobey ee ka howl galaha gobolka Daarfoor ee dalka Suudaan.
Axmed Ciise Cawad oo ah shaqsi ay isku beel kasoo wada jeedaan Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke, isla markaasna horey ugula tartamey jagada Raysal wasaaranimada ayaa waxaa ay soo jeedinta magacaabistuusa ka timid guddi wada jir ah oo ku howlan in la mideeyo cududa kooxda madaxweynaha ee ururka Damu Jadiid iyo urur diineedka mayalka adage eeAl ictisaam (Ex Al itixaad) si loogu midoobo loolanka awooda ee sanadka 2016ka.
Gudiga soo jeediyey in Ciise Cawad laga dhigo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah Fahad Yaasiin, Ugaas Axmed Gaboobe (Axmed Bile), Daahir Maxamed Geelle, C/kariin Xuseen Guuleed, C/Qaadir Cosoble iyo rag kale.
Sida xogtani tibaaxeyso waxaa hindisaha magacaabida ninkaan ka hor yimid Raysal wasaaraha Cumar Sharmaarke oo dareensan in ninkaani gogol xaar u yahay xeelad isaga looga takhalusayo.
Madaxweynaha oo leh awooda soo magacaabista safiirada 10% ayadoon lasoo marin golaha wasiirada ayaa damacsan in uu awoodaas isticmaalo oo uu toos u magacaabo Axmed Ciise Cawad iyadoon loo baahan soo jeedinta golaha xukuumada.
Xogta aan helayno waxa ay saadaalinaysaa in arintaan haddii sida madaxweynuhu u go’aansadey ay ku meel marto ay kala jiheysan doonaan labada mas’uul oo ayna soo dadajin doonto loolan deg deg oo ka dhex aloosma labada nin, kasoon la garan Karin halka uu ku biyo shuban doono.
Axmed Ciise Cawad oo dagen magalada Khartuum ee dalka Suudaan oo ay u dhaxdo Saara Ashraf oo u dhalatey dalka Suudaan oo iyaduna u shaqeysa hay’ada Save the Children, ayaa isagu hore u noqdey agaasimaha xafiiska Raysal wasaaraha xiligii Xasan Abshir Faarax.
warar sugan kala soco
shabakada caalamiga
runtanews.net
waxaad nagala soo xariirta
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka