XOG HOOSE R/WASAARE SHARMAARKE OO XASAN SHEEKH UGU BAAQAY IN UNGAAB XILKALAGA QAADO

21.03.2015 20:00

Warar Hoose ayaa sheegaya in Muungaab qarka u saaran yahay in Xilka si Rasmi ah looga qaado, kadib markii RW Cumar C/rashiid kusoo biiray Dadaalka raba in Xilka laga qaado.

Illo ku sugan Xafiiska RW Cumar C/rashiid ayaa sheegaya  in Madaxweyne Xasan Sheekh loogu baaqay inuu Xilka si dhaqso ah uga qaado Muungaab, si isbedel wanaagsan oo dhanka Amniga iyo Bilicda loogu sameeyo Muqdisho.

RW Cumar C/rashiid ayaa waydiistay MD Xasan Sheekh inuu Maxa’ed Cali Ameeriko u magacaabo Xilkaasi, maadaama uu yahay Shaqsi Maamulka su fiican u yaqaana waxna ka bedelii kara Xaaladda Muqdisho oo Sanadkii uu joogay Xafiiska Muungaab dib u dhac ku yimid.

RW Cumar C/rashiid ayaa la sheegayaa inuu rabo in Maamulka Gobolka Banaadir la jaanqaado Hosha Xukuumadiisa Cusub, ee doonaysa inay dalka ka hergeliso Doorasho Guud marka la gaari 2016.

MD Xasan Sheekh ayaa ka fekeraya hadda Baaqa RW Cumar C/rashiid iyo kuwa kale oo qeybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho horey ugu soo jeedisay, waxaana Muqdisho Hadal-heynta ugu badan ay tahay “Muungaab” oo Xilka laga qaadayo.

Markuu Tarsan Xilka ka tagayay, Muqdisho waxay ifeysay Habeen iyo Maalin, haddana waxaa demay Nalalkii Cad-caada Qaraxda ku shaqeynayay ee ku xiran Wadooyinka Caasimadda, dhanka Amaankana aad ayuu u xumaaday intii Muungaab Xilka hayo, sida Shacabka Muqdisho ay sheegeen.

Maxa’ed Cali Ameeriko, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa ah Shaqsiga ugu hadal-heynta badan ee la filayo in lagu bedelo Muungaab.

warar sugan xigasho iyo aqiiq ah

kalasoco runtanews.net

nagala soo ririir ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET