XOG DHEERIYA MAXAA KA JIRA WARARKA SHEEGAYA INEEY FAKADEEN QAARKA MIDA KOOXDII WEERARTAY MAKA ALMUKARA

28.03.2015 09:00

MakaXog hoose oo ay shabakadu ka heleyso qaar kamid ah dadkii laga soo badbaadiyay Weerarkii galinkii dambe ee shalay lagu qabsaday Hoteelka Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ahaa dadkii la badbaadiyay ayaa inoo xaqiijiyay inay wax ka jiraan wararka la xiriira in Dagaalyahaanadii Alshabaab ee weerarka ku qaaday Hoteelka ay fagteen.

Ruuxaani ayaa sheegay in Saacado kadib markii ay dagaalameen ay u suuragashay inay ku dhex milmaan dadkii la badbaadinaayay kadib markii ay Ciidamada Qaranka xooga saaren inay badbaadiyaan dadka Hoteelka ku go'daansanaa.

Waxa uu sheegay inay ka mid noqdeen Kooxdaasi dadkii laga badbaadiyay dariishadaha Hoteelka, waxaana la sheegayaa in Ciidamada Dowlada aysan ahmiyad gaar ah siinin baaritaanka ama kala sooca dadka la badbaadinaayay.

Ciidamada oo baaritaano dheer ah sameeyay ayaa waxa ay gudaha ka dhex waayen Seddexda Meyd ee la soo bandhigay waxkabadan, waxaana halkaasi ka cadaatay in ragii kale ay baxsadeen islamarkaana qeyb ka ahaayen dadkii la badbaadinaayay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay ku dhar badasheen gudaha Hoteelka, halka qaarna ay dharka kala baxeen kuwii dhaawaca ahaa, sidaana ay ugu suuragashay inay uga dhexbaxaan Hoteelka.

Ugu dambeyntii, Dowlada ayaa goor dambe ku baraarugtay warsaxaafadeed kasoo baxay Kooxda oo ay ku xaqiijinayaan in inta badan Dagaalyahaanadooda ay si nabad ah uga baxsadeen Hoteelka weerar wakhti qaatay kadib.

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
kala soco runtanews.net
waxaad nagala soo xiriirkartaan
ganeyte5@gmail.com
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET