XOG: Amniyaadka Alshabaab Oo Xabsiga Dhigay Qaar Katirsan Saraakiisha Sar Sare Ee Kooxda

17.03.2015 10:17

XOG: Amniyaadka Alshabaab Oo Xabsiga Dhigay Qaar Katirsan Saraakiisha Sar Sare Ee Kooxda

Al-Shabaab

Al-Shabaab

Amniyaadka Al-shabaab ayaa maalma ka hor xabsiga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe dhigay sarkaal katirsanaa saraakiisha kooxda ee qaabilsanaa dagaaladda kadhanka ah ciidamadda Kenyanka ah ee Jubooyinka ku sugan.

 

Saraakiisha Xabsiga la dhigay, ayaa waxaa kamid ah Naaleeye oo kammid ahaa saraakiisha ugu caansan Goboladda Geddo iyo Jubooyinka ayaa xabsigga degmadaas la dhigay, Naaleeye ayaa sidoo kale lala xiray sarkaal kale oo lagu magacaawo Mowliid Carab, saraakiil katirsan Al-shabaabka Jubooyinka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay xariga Naaleeye ayadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababta kadambeeso xarigiisa.

Naaleeye ayaa in muda ah u xirnaa ciidanka xabashida ah ee Ethiopia, asigoo ka qeyb qaatay dagaalada kala duwanaa ee ay Al-shabaab kaga hor tagayeen ciidamada horarka ah ee Kenya, asigoo sidoo kale mar ahaa Abaanduulaha Jabhadaha ka dagaalama Jubooyinka.

Xariga Naaleeye, ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inuu xiriir la leeyahay Sarkaal kaloo Alshabaab 

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET