Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo ugu dambeen gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka
23.05.2015 14:27Xilli Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya maanta is hortaag lagu sameeyay inay gudaha u galaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa duhurnimada maanta la soo sheegayaan in ugu dambeen, ay gudaha u galeen.
Boqolaal ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida oo maanta la keenay Xarunta Golaha Shacabka, ayaa waxay xireen dhammaan wadooyinka soo gala, sidoo kalana waxay Xildhibaanada u diideen inay gudaha u galaan.
Is jiid jiid badan ka dib waxaa Xildhibaanada u suurta gashay inay gudaha u galaan Xarunta Golaha Shacabka, si ay codka kalsoonida ugu qaadaan Mooshinka laga keenay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.
Xildhibaan Maxamed Cumar, ayaa sheegay inay hadda gudaha ugu jiraan Xarunta Baarlamaanka, loona qaybiyay nuqulada Mooshinka, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay guda galaan, wixii xigga.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaan iminka ku sugnayn Fadhiga Baarlamaanka, balse waxaa la soo sheegayaa inuu ku sugan yahay Xafiiskiisa ku dhex yaala Golaha Shacabka.
Si sax ah looma oga in maanta Xildhibaanada Baarlamaanka ay codka gelin doonaan iyo in kale, waxaana kuu muuqaneyso in murun xoogani uu ka dhashay Mooshinkan.
Mooshinka la bilaabay in laga keeno Maamul Goboleedyada, ayaa noqonaysa nooc ku cusub Siyaasadda Somaliya, waana arrin muuqanayso inay saamaynteedu lee dahay.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka