Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Qado sharaf u sameeyay Arday Agoon Ah (Sawirro)

09.05.2015 13:51

qado dhuxulow (3)Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa shalay qada sharaf u sameeyay Arday agoon ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah, iyadoo qada sharaftan ay ka qeyb galeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo marti sharaf kale.

Ardaydan agoonta oo galay fasaxa sanad dugsiyeedka ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsanaayeen casuumaadan uu u sameeyay Xildhibaan Mustafa Dhuxulow, iyadoo qadada kadib uu u qeybiyay lacago shinllign Soomaali ah.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow ayaa mudooyinkii u dambeeyay ahaa sama fale, isagoo mar walba ka war qabay dadka dan yarta ah, sida agoonta, caruurta indhaha la’, kuwa darbiya jiifka iyo haweenka xaaladaha adag la soo dersa.

Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana aas aasay Hey’adda Jamciyada SOHEDA ayaa soo dhoweeyay caawinaada iyo taakuleynta iyo had iyo jeer u sameeyo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow dadka dan yarta ah.

Mustafa Dhuxulow oo gaba gabadii munaasabada qada sharafta ka hadlay ayaa sheegay inuu waqtigiisa inta ugu badan uu la qaadanayo agoonta iyo dadka tabaaleysan, waxaana dadka Soomaaliyeed uu ka dalbaday in ay garab istaagaan, isla markaana ay taakuleeyaan walaalahooda.

“Ardaydeena ama wiilasheena waa kuwa wanaagsan, dadka Soomaaliyeed waa dad jecel in ay istaakuleeyaan iyagoo qabiil iyo wax kale fiirinaynin, diyaar ayaan u ahay dhiiragalinta dhalaanka agoonta Soomaaliyeed”ayuu yiri Xildhibaan Mustafe.

Mustaf Dhuxulow ayaa xilligii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta aan marnaba ilaabin taakuleynta dadka dan yarta, iyadoo mararka qaar inta uu shaqadiisa ka soo baxo ayuu waqti la qaadan jiray caruurta indhaha la’ iyo kuwa agoonta oo uu dhowaan dalxiis u geeyay Xeebta Liido, halkaasoo uu kula qadeeyay, maalin dhana la qaatay.

qado dhuxulow (1)qado dhuxulow (2)qado dhuxulow (3)qado dhuxulow (4)qado dhuxulow (5)qado dhuxulow (6)qado dhuxulow (8)qado dhuxulow (9)

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET