Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiilada Soomaaliland oo Shaaciyay in Somaliland ay ka Jirto cunsurinimo Dawo

03.06.2015 11:25

Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay waxaa uu shaaciyey in lagu cunsuriyeeyo qabiilka Daaroodka ee uu ka soo jeedo asagoo sidoo kalena uu xildhibaanku sheegay inuu dhibaato baaxad weyn oo cunsurinimo qabiil ah uu ku haayo gudoomiyha xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe. 
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah golaha wakiilada ee Maamulka Soomaaliland lagana soo doorto Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu sheegay inuu dhibaato baaxad weyn oo cunsurinimo qabiil ah uu ku haayo gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe asagoo sidoo kalene uu Xildhibaanku sheegay in lagu cunsuriyeeyo qabiilkiisa oo ah inuu ka soo jeedo qabiilka Daarood, Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in safaro dibada loogu baxaayey oo uu asagu xaq u lahaa in si xaqdaro ah loogu badalay dad kale ayadoo lagu takooraayo qabiilka uu ka soo jeedo. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah golaha wakiilada Maamulka Soomaaliland uu arintaas foosha xun uu ka dhawaajiyey ayaa Xildhibaanku waxaa kale oo uu sheegay inuusan hada ka dib uusan u dulqaadan doonin hadalada aflagaadada iyo meel ka dhaca ah oo uu sheegay inay kaga imaanayaan gudoomiyha xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe asagoona intaas raaciyey inay iska dhicn doonaan Faysal Cali Waraabe oo uuna ku garaaci doono Usha uu wato waa sida uu hadalka uu u dhigaye. 

Halkan ka daawo:

warar sugan kala soco
runtanews.net
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode