XASAN SHEEKH OO TEGAY TURKIGA KANA QEYB GELAYA............

23.04.2015 09:54

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul kaga qeybgalaya shir madaxeed lagu dhiirigelinayo nabadgelyada adduunka iyo xuska guushii ciidammadii Turkiga, xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii 1aad ee Dunida.

Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dunida ayaa ka qeybgeli doona munaasabadaha shirka iyo xuska isugu jira oo si rasmi ah u bilaaban doona maanta oo ku began 23-ka bisha April.

Waxaa la filayaa inta munaasabadahan ay socdaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaato madaxda Turkiga iyo hogaamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgalaya.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intaanu imaan Turkiga, waxaa uu magaalada Aqaba ee dalka Jordan kaga soo qeybgaley shir madaxeed looga hadlayey amniga Geeska Afrika iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo argagixisada.





 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah

kala soco shabakada caalamigaa

runtanews.net

kala soo xariir

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET