XARUNTA LAGU QABANAYO SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA G/DHEXE OO LA DHAMEYSTIRAY "DAAWO SAWIRA"
21.03.2015 09:37Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud kasocda diyaar garow xoogan oo ku aadan shirka Maamul usameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ,oo la filayo in dhawaan si rasmi ah uga furmo Magaaladaasi.
Waxaa hada la diyaariyay lana soo bandhigay xarunta loogu tala galay in lagu qabto shirka Maamul usameynta Gobolada Dhaxe, waxaana xaruntaasi diyaaritinteeda gacan weyn ka geestay Maamulka ka arimiya Magaalada Cadaado.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Magaalada Cadaado lagu qaban doono shirka Maamulka loogu sameenayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug .
Ciidamo katirsan Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la filayaa in dhawaan gaaraan Magaalada Cadaado si ay u xaqiijiyaan amaanka xarunta lagu qabanayo Shirka Maamul usameynta Gobolada Dhaxe ee Dalka Soomaaliya.
———
Tillbaka