Xaalada Caasimada Bujumbura oo kacsan iyo dad badan oo ka qaxaya
08.11.2015 11:06Dadka ayaa ka qaxaya qaybo kamida caasimada Burundi ee Bujunbuura.Iyadoo u dhacayo waqtiga kama danbeeysta ah ee ay tahay in hubka sharci darada ah lagu soo xareeynayo caawa saqda dhexe laba iyo tobanka.
Wariyaha BBC-da ee Bujunbura ayaa sheegay inuu arkay dad furaashyo sita iyo agab kale si ay u tagaan xaafadaha nabdoon ee magaalada.
Qaramada midoobay ayaa sheegaya in ugu yaraan laba boqol oo qof ay ku dhinteen dalka Burundi tan iyo bishii April, kadib qalalasahii bilaabmay markii uu madaxweryne Pierra Nkrunaziza xukunka u cumaamatay mar sadexaad, taas oo mucaaridku kasoo horjeesteen
Ciidamada hubeysan ayaa toogasho ku dilay baar ku yaala magaaladda Bujumbura ee caasumadda u ah dalka Burundi todoba qof.
Duqa magaaladda ayaa ku timaamay dilkaa in uu ahaa mid bareer ah. Waxuuna sheegay in dadkaa lagu qasbay in ay dhulka dhabacdaan ka dibna si toos ah loo toogtay.
Dhimashada dadkan ayaa imaaneysa iyadoo uu dhacay waqtiga kama danbeysta ahaa oo ay dowladdu u qabatay in dadku ay hubka iska dhibaan ama ay la soo gudboonaato tilaabo dardar leh oo ay boliisku qaadaan.
Labaatan qof ayaa lagu dilay dalka Burundi todobaadkii la soo dhaafay, taas oo qeyb ka ah rabshada iyo dilal ka bilowday in madaxweyne Nkurunziza oo ku dhawaaqay in uu xili seddexaad u tartamayo jagada madaxtinimada.b
———
Tillbaka