Weerarkii kooxda maata leyska ee Xeebta Liido oo Noqday mid dad badan ka ilmeesiiyay si weyna loo hadal hayo

23.01.2016 12:07

Weerarkii habeen kahor lagu qaaday Baarar kuyaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho laguna dilay in ka badan 30-qof oo shacab ah, ayaa noqday mid damqiyay quluubta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan inta nabada jecel.

Waxa uu ahaa Weerar aad u naxtin badnaa oo lagu laayay dad badan oo bulshada Muhiim u ahaa sida Dhalinyaro u badnaa aqoonyahano jaamacado ka baxay iyo kuwa kale oo dhiganayay, Haween iyo Caruur ay dhaleen iyo dad kale oo bulshada qiimo badan ugu fadhiyay.

Meel kasto oo Soomaali joogto ayaa wali si weyn looga hadal hayaa weerarkii lagu qaaday baarar ay dad shacab ah ku qaxweenayeen , waxaana dadku badi ay ahaayeen kuwa si weyn uga argagax weerarkaasi aanan ka go'eyn quluubta dadka Soomaaliyeed.

Baraha Bulshada kuwada xariirto gaar ahaan Facebooka aaya habeen hore ilaa xiligan noqday mid hadal heynta ugu badan ama sawirada lasoo dhigayo ay yihiin saameynta weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xeebta Liido.

Facebook ayaa si weyn loogu faafinayay Sawirada dad badan oo weerarkaasi ku dhintay iyo kuw aku dhaawacdmay gaar ahaan dhalinyaro bulshada u muhiim ahaa sida kuwa dhawaan ka qalin jabiyay Jaamacado kuyaala Muqdisho, Macalimiin Jaamacadeed, arday wax ka dhigata Jaaacadaha iyo iskuulada kuyaala Muqdisho, hooyooyin Uur leh oo qaarkood lala dilay caruurtooda.

Hadal heynta ugu badan ee Aalada Facebooka ayaa aheed dilkii Baar Liido Sea Food loogu geestay sadax qof oo walaalo ah oo gabar kamid ah ay aheed hooyo Xaamilo ah, waxaa sdoo kale la hadal hayaa hooyo iyo cunugeeda iyaga oo isku dhagan la isla dilay, Aabe iyo Hooyo oo dhinaca jooga cunugooda oo iyana la dilay.

Weerarkii Liido ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu naxtinta badnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, weerarkan ayaana dadka lagu dilay oo kor u dhaafaya 30-qof ay dad shacab ah oon wax dambi ah cidna aanan ka galin.








 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET