Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kolonyo uu la socday Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia.
24.06.2015 21:15
Weerar qarax oo ismiidaamin ah ayaa maanta lala beegsaday gaari ay ciidan saarnaayeen kaasoo ilaalinayay gawaari kolonyo ah oo ay la socdeen diblomaasiyiin u dhashay dalka Imaaraadka.
Qaraxa waxa uu ka dhacay xaafada Hodan caasimada Muqdisho.
Booliska waxa ay sheegeen in qaraxani ay ku dhinteen 14 qof oo ay ku jiraan labadii qof ee ismiidaamiyay
Weerarkan waxaa ka badbaaday diblomaasiyiin ka tirsan dowlada Imaaraadka oo iyagu saarnaa gawaarida aysan rasaastu karin
Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan waxaana dadkaasi ka mid ahaa caruur iyo dumar.
Dadkan shacabka ah ayaa deganaa xero barakacayaasha ay ku nool yihiin oo meesha ku taalay

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaalada ayaa sheegaya in 21 qof oo dhaawac ah lagu dawaynayo isbitaalo kala duwan
Goobta uu qaraxau ka dhacayay ayaa lagu arkayay dhiig badan, dhaawaca dadka iyo maydadkana waxaa gurayay gawaarida bukaanka qaada ee Ambulance-ka.
Waxaana goobta weli yaala haraagii gaariga qarxay
Ciidamo dowlada ay leedahay ayaa goobta la geeyey waxay cirka u ridayeen rasaas si ay dadkii isugu yimid goobta u kala eryaan
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay weerarkan waxay intaasi ku dareen inay bartilmaameedsanayeen dad cadow ah.
warar xaqiiq ah kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka