Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug oo ku wajahan degmada Ceelbuu

03.09.2015 08:46

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa maanta ku sii jeeda degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ka mid ah deegaanada ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Booqashada wafdigan Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa salka ku heysa u kuur gelida xaaladaha degmada Ceelbuur iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan tahay degmadaas.

Ammaanka degmada Ceelbuur ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wafdiga ay kula kulmayaan degmada saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee gacanta ku haya magaalada.

Sidoo kale waxaa socda qorshe dib loogu howl gelinayo ceelkii magaalada ee biyaha laga cabi jiray, kaasoo qalabkii laga furay ka hor inta aysan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda la wareegin.

Degmada Ceelbuur ayaa tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen sanadkii hore ayaa waxay degmada aheyd mid haawaneysa oo dadkii ku noolaa ay ka barakaceen, kadib markii Al-Shabaab ku qasbeen inay ka baxaan degmada, waxaana degmada ay tahay mid go’doon ku jirta.

waxii warar ah kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET