Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb iyo wada hadalo uu kula lee yahay Ahlu Sunna

15.06.2015 19:56

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa duhurnimadii maanta socdaal aan horey loo sii shaacin ku tagey Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Cadaado, ayaa Dhuusamareeb gaaray, markii Ahlu Sunna Wal Jameeca ay wa xoogaa ka soo dabacday mowqifkii ay kula wareegtay Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wararka iminka inaga soo gaaraaya Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegaaya in xilligan ay kulan lee yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxda Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Ahlu Sunna, ayaa waxaa laga dhaadhiciyay in Wasiirka uu yimaado Magaalada Dhuusamareeb, kana qayb qaadato Dhismaha Maamulka Gobolka Dhexe, haddii Dowladdu ogoshahay in la dhaqangeliyo heshiiskii horey loo wada gaaray.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaaya in Saraakiisha Ahlu Sunna qaarkood ay saluugsan yihiin inay ka baxaan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan la dhaqangelin heshiiskii ay labada dhinac ku wada gaareen Guriceel.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, una dhaxeeya wada hadalada Dowladda iyo Ahlu Sunna, ayaa rajo diiran ka qaba in la dhaqangelin doono heshiiskii Guriceel.

Suxufiyiinta Magaalada Dhuusamareeb, ayaa soo sheegaaya Ugaaska Beesha Cayr, Habargidir, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, in uu door weyn ka ciyaaray tallaabada uu Wasiir Odawaa ku yimid Magaaladaasi.

Xoogaga Ahlu Sunna, ayaa 7-dii bishan dagaal kula wareegay gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo markaasi ku andacoonaaya heshiiskii Guriceel oo ka dhaqangeli waayay dhinaca Dowladda.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode