Wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa oo ka hadlay muuqaal calanka u eg oo lagu arkay shirka Madasha Wadatashiga

23.10.2015 18:24

dooda wasiirka

logad

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maanta marti ku ahaa mid ka mid ah barnaamijyada loogu dhagaysi badan yahay ee Radio Muqdisho iyo Taleefishinka Qaranka ayaa  si faah faahsan uga hadlay arrimo kala gedisan.

Wasiirka waxa uu sheegay in shirka waxyaabo wanaagsan ay  ka soo baxeen dowladdana diyaar ay u tahay in ay horumariso dalka, waxaana uu dhinaca kale ku xusay in meel wanaagsan ay mareyso horumarinta hanaanka federaalka oo uu sheegay in dhawaan ay dhameystirayaan dhisida maamulka loo sameynayo Shabeelaha dhexe iyo hiiraan, isagoo bulshada labada gobol ugu ugu baaqay in arrintani ay ka shaqeeyaan oo aan lagu mur min shirka halka uu ka dhacayo.

Su’aal ahayd muuqaal u eg calanka Soomaaliya oo lagu arkay shirka Madasha Wadatashiga ayuu ku jawaabay Wasiirka Arrimaha gudaha Abtidoon in muuqaalka la arkay uu ahaa logo ama astaan shirka uu lahaa ayna ahayd oo kaliya maro dhinac buluug ka ah dhinacna ka ah caddaan xiddigtana mana ahayn calanka Soomaaliyeed,calanka Soomaaliyeedna waa mid la yaqaan dadkana yaan lagu qaldin oo xamaasadooda la kicin.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ku dhaliilay Soomaalida qaarkood qaabka ay u isticmaalaan calanka waxana uu tusaale u soo qaatay in meelaha qaar miisaska la saaro maro buluug ah oo dhexda caddaan ka ah,halka qaar kalana ay dhar ka dhigtaan,

Isagoo wasiirka uga jawaabayay su’aalo dadka daawanayay ama dhagaysanayay barnaamijka jimcaha ee Radio Muqdisho ku martiqaada mas’uul ayuu wasiirku tusay weriyihii wareysanayay loogada talefishinka qaranka oo ay ku qoran tahay tahav isla markaana ah buluug leh xiddig cad oo shan gees leh waxana uu is weydiiyay in tan ma la dhihi karaa waa calanka oo wax laga bedelay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa su’aalihii la weydiiyay waxaa kamid ahaa in farogelin dibadeed weli lagu hayo dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay talo wadamada caalamkana ay talo uun ku leeyihiin dalka.

“Waxaan u baahanahay in nalaga kaalmeeyo dhinaca la dagaalanka argagaxisada iyo horumarkaba, hadii aan helno ciidamo amniga ku filan uma baahnaan doono kaalmo shisheeye.”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada waxa uu ku dhaliilay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee caadeystay in ay marwalba ku hadaaqaan in dalka la haysto. Waxana uu sheegay n dalka aan la haysan lana haysankarin, waxana uu ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan kicinta bulshada.

Wasiirka waxa uu ku faanay in hadda wadanka gudihiisa loogaga tashanayo aayaha dalka xilli sanadihii hore loo aadi jirey shirarka wadamo shisheeye.“Kismaayo,Garowe,Cadaado,Baydhabo,Jowhar iyo Beledweyne ayaa laga yimid soomaali ayaana amnigooda sugeysay sow horumar ah ma ahan,”ayuu yiri wasiir Odowaa.

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET