WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOMALIYA DR ODAWAA OO BOOQASHIISII UGU HOREEYSAY KU TEGAY MAGAALADA KISMAANYO.
23.03.2015 12:03Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya, ayaa waxa uu maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wefdi uu horkacaayay, ayaa barqanimadii maanta ka dhoofay Garoonka Duulimaadyada Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo si diirana loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo.
Wasiirka iyo wefdigiisa, ayaa waxaa loo kaxeeyay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, si uu ugula kulmo Madaxda Maamulka Jubba.
Labada dhinac, ayaa ka wada hadli doono arrimaha isku dhafka ciidamada qaran iyo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubba, oo marxalad gaba gabo ah maraysa.
Dhanka kale Ciidamada Maamulka Jubba iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa xoojiyay amniga guud ee Magaalada Kismaayo. Sidoo kalana waxay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka.
Wadooyinka ugu muhiimsan ee soo gala Madaxtooyada, ayaa lagu arkayaa ciidan xoogan, feejignaana laga dheehan karo.
Odawaa, ayaa booqashadiisa Kismaayo waxay ka dhigan tahay markeedii ugu horeysay, tan iyo markii xilka wasiirnimo loo magacaabay.
WARAR SUGAN XIGASHO IYO XAQIIQ AH
KALA SOCO RUNTANEWS.NET
NAGALA SOO RIRIIR GANEYTE5@GMAIL.COM
———
Tillbaka