WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA ODAWAA OO SOO GEBAGEBEEYAY SAFARKIISII HALHA MAALIN AHAAY EE KISAANYO "DAAWO SAWIRADA#

23.03.2015 18:25

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa soo gaba gabeeyay booqasho hal maalin qaadatay, oo maanta uu ku tagey Magaalada Kismaayo.

Wasiirka iyo wefdi uu horkacaayay oo gelinkii dambe ee maanta ka soo amba baxay Magaalada Kismaayo, ayaa ka soo degay Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo wefdigiisa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo, ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada, halkaa oo ay isku arkayn Madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe).

Wasiirka, ayaa intaasi ka dib loo kaxeeyay Xarunta Caymiska ee Magaalada Kismaayo, oo lagu wado inuu ka qabsoomo shirka xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubba.

Wasiirka, ayaa daah-furay shirka soo xulista ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jubba, inkastoo soo xulista Xildhibaanada, ay heer gaba gabo mareyso.

Gaba gabadii Madaxweynaha Jubba iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shir jaraa’id wada qabtay, ayuu Wasiirku soo dhaweeyay dadaalada Maamulka Jubba, kuna ammaanay mid u bisil wax qabsi.

Wasiirka oo ku dhawaaqay in shirka soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubba uu furan yahay, ayaa dhanka kale sheegay in Xukuumaddiisu ku faraxsan tahay horumarka Maamul Goboleedka Jubba.

Axmed Madoobe, ayaa wefdiga Wasiirka kaga mahadceliyay kala soo qaybgalka shirka lagu soo dhisi doono Baarlamaanka Jubba.

Odawaa Odawaa1 Odawaa2 Odawaa3 Odawaa4 Odawaa5 Odawaa6 Odawaa7 Odawaa8 Odawaa9 Odawaa10 Odawaa11 Odawaa12 Odawaa13 Odawaa14 Odawaa15 Odawaa16 Odawaa17 Odawaa18 Odawaa19

warar sugan igasho iyo aqiiq ah 

kala socoruntanews.net

 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET