Wasiirka amniga Galmudug oo tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah
07.11.2015 11:22Wasiirka Amniga maamulka Galmudug ayaa Tababar u soo xiray in ka badan 80-askari, kuwaasoo ka mid noqonayaan ciidamada booliska Galmudug.
Munaasabad tababar loogu soo xirayay ayaa ka dhacday degmada Galinsoor, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Amniga Cusmaan Ciise Taar-dhuleed, Taliye ku xigeenka ciidmada boliska Galmudug Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmooyinka Bandiiradley iyo Galinsoor iyo qaybaha Kala duwan ee bulshada degmooyinkaas.
Taliye kuxigeenka Booliska Galmudug G/sare Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb ayaa sheegay in tababarka ciidamadan booliska uu socday muddo, waxaana uu xusay in la geliyay dadaal, isagoo kula dar daarmay ciidamada inay ka faa’ideystaan tababarkii ay qaateen.
Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Cabdi Rashiid Muuse ibraahim oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ballan qaadayso bixinta lacag gaaraysa $193 doolar taasoo isugu jirto Mushaar iyo Gunno.
Wasiirka Amniga Cimaan Ciise Nuur (Taar-Dhuleed oo munaasabadda soo xiray ayaa u mahad celiyay taliyaha Ciidanka booliska Soomaliyeeed S/Gaas Maxamed Xasan Xaamud oo wajigii hore ee tababarkan ciidanka u soo xiray waxa uu wasiirka amniga Sheegay in Mas’uuliyadda Ciidanka la wareegayso wasaaradda Amniga Dawlad Goboledka Galmudug.
Ciidankan tababarka loo soo xiray oo tiradoodu gaarayso 83 Askri ayaa Muddo 15 cisho ah baranayay shuruucda Amniga ee ciidamada booliska ay ku shaqaynayaan.
———
Tillbaka