Wasiir Odawaa oo si adag uga hadlay Daagaalka Gaalkacyo sheegayna in dagaalka uu ..

03.12.2015 20:58

Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa caawa si adag uga hadlay dagaalka maanta kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dadaaladii ay maalmahaani ka dhex wadeen maamulada Galmudug iyo Puntland laga dhigo mid aan wax kasoo qaad laheyn waxa uuna sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid qalad cad ah.

Wasiirka, ayaa sheegay in dagaalka uu caawa joogsaday, islamarkaana uu weli taagan yahay heshiiskii shalay lagu saxiixay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay kala xisaabtami doonaan sababta keentay in laga weecdo heshiiskii lawada galay iyo ujeedka laga leeyahay ka bixitaanka qodobadii lagu heshiiyay.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in caawa la kala qaadi doono goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Galmudug iyo Puntland, iyadoo laga duulaayo dhaqangelinta heshiiskaasi.

Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in dagaalka uusan dib usoo laaban maalinta bari ah, waxa uuna labada maamul ugu baaqay inay ilaaliyaan balamaha ay kuwada galeen Gaalkacyo.

Ugu danbeyntii, waxa uu sheegay inay wadaan dadaal xal looga gaari doono waxyaabaha gaarka ah ee suuragalinkara in dagaalkaasi uu soo noqnoqdo xili waliba.

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode