Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hadashay "Soohdinta Badda"

02.07.2015 19:15

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war ay faafisay daqiiqado ka hor ayaa lagu beeniyay war maalmahan la isla dhex marayay.

Warku carrabka kuma dhufan, laakiin waxaa laga fahmayaa in uu ka hadlayo soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee muranka la geliyay

 

"Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go'antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS)."

"Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay."

 

Halkan ka daalaco isaga oo dhammaystiran:

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

 

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET