Wasaaradda Amniga oo sheegtay in Ciidamo Milateri ay dileen Xildhibaan Yusuf Maxamed Dirir.
24.05.2015 21:43
Wasaaradda aminga gudaha ee Soomaaliya ayaa war ay maanta ka soo saartay dilkii shalay xildhibaan Baarlamanka Federaalka ka tirsan loogu gaystay Muqdisho ku sheegtay in uu ahaa weerar ku dhacay si masuuliyad darra ah oo ay gaysteen ciidan ka tirsan kuwa milateriga.
Afhayeenka u hadlay wasaaradda aminga gudaha, Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ciidamo milateri ah ay rasaas ku fureen gaariga ay wateen xildhibaanadu oo xilligaasi xowli ku socday.
Afhayeenka ayaa dhanka kale xusay in dhacdadaasi uu ku naf waayey xildhibaanka iyo darawalkiisa, isla markaana uu dhawac ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladii xildhibaanka oo ka tirsanaa ciidanka booliska iyo lix ka tirsan ciidanka milatariga.
Maxamed Yuusuf, afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan aysan ahayn mid lagu bartilmaameedsanayay xildhbaanada, balse gaariga ciidanku watay uu ku socday si masuuliyad darra ah.
Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi oo shalay galab ka dhacay waddada muhiimka ah ee Makka Al-mukaramah ee magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa markii hore sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.
xigasho BBC.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka