Wariye Somali Ah oo Meeydkiisa Laga helay Xeebta Dalka Masar
15.05.2015 22:34Wararka aan ka helayno Magaalada Alexanderia ee Dalka Masar ayaa sheegaya in Meydka Wariye C/Casiis Al Cadaala laga helay isagoo ku soo caariyay Xeebta, Wariyahan iyo dad kale oo la socday ayaa la sheegay in ay ka dhaceen Dooni yar ay saarnaayeen.
Wariyaha Meydkiisa laga helay Xeebta Alaskandariya ee Dalka Masar ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Casiis Sheekh Ibraahim (Al-Cadaala) , waxa uuna lasoo shaqeeyay Wariyahan Taleefishino iyo Idaacado kuyaala Magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo la sheegayaa in Wariye Al-Cadaala ay la geeriyoodeen labo qof oo kale kuwaasi oo kale ahaa wiil iyo gabar u dhashay dalka Suudaan ay iskala dhaceen Dooni yar oo ku wareejin rabtay dooni kale oo weyn oo ah nuuca ay raacaan dadka Tahriibka ahi.
HALKAAN KA DHAGAYSO
warar sugan kala soco
shabakada calamiga
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka