Wariye Maxamed Bashiir oo maanta damaanad lagu sii daayay

23.03.2015 20:53

Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa maanta damaanad ku sii deysay Tafaftiraha Idaacada Shabelle Wariye Maxamed Bashiir Xaashi, oo muddo toddobo bilood ah ku xirnaa Xabsiga Dhexe Xamar.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Xeer Ilaalinta ay ku fashilmatay inay soo bandhigto cadeymo muujinaya, eedeymaha loo heysto Wariyaha.

Xeer Ilaalintu waxay codsiga in ilaa 30-ka bisha dib loo dhigo dhageysiga eedeymaha ka dhanka ah Suxufiga, Maxkamadda oo taasi aqbashay, ayaa dhanka kale aqbashay in damaanad Wariyaha lagu sii daayo, ilaa 30-ka bisha.

Abukaate Cali Xalane oo ka mid ah qareenada difaacaysa Wariyaha, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamaddu ay gaartay, isla-markaana ay ku faraxsan yihiin.

Wariye Maxamed Bashiir

Wariye Maxamed Bashiir

Abukaataha, ayaa rajeynaya in kiiska Wariyuhu uu soo afjarmo dhawaan, haddii Xeer Ilaalintu ku guul dareysatay inaanay Maxkamaddu horkeenin cadeymo ka dhan ah waxa lagu heysto Wariyaha.

Xeer Ilaalinta, ayaa horey Suxufiga ugu soo eedeysay inuu ka mid yahay Ururka Al Shabaab iyo inuu isku deyay dil ka dhan ah nin muwaadin ah.

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET