Wararkii ugu Danbeeyey:-Masuuliyiin caana oo ku dhintay weerarkii Saakay lagu Qaaday Hotel Sahafi.

01.11.2015 10:00

Waxaa isa soo taraya Wararka ku aadan Weerarkii Saakay lagu qaaday Hoteel Saxafi waxaana soo baxaya in ay ku dhinteen Mas’uuliyiin kala duwan oo isgu jira Xildhibaano,Ganacsato,Saraakiil Ciidan iyo Wariyaal,waxaana dadkii ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarka lagu qaaday Hotel Saxafi ku geeriyooday Milkiilihii Hoteelka

Ganacsade Cabdirashiid Ilqeyte.

Xildhibaan Abtidoon Koofi shabaq

Wariye Mustaf Cabdi Nuur Safaana oo ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera.

General cabdikariim dhagabadan

Waxaa ku dhaawacmay inta illaa iyo hadda la ogyahay
Xildhibaan Mohamed Cabdi Yusuf
Sawir qaade ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Reuters oo magaciisa lagu soo koobay Faarax.

Hotel Saxafi ayaa ku yaall Isgoyska mashquulka badan ee KM4 ee degmada Hodan, hotelkan ayaa waxaa degan mas’uuliyiinta dowladda, sida Xildhibaanada, saraakiisha, siyaasiyiin iyo dadka dibadaha ka yimaada, waa hotel amnigiisa aad loo ilaaliyo oo ka soo hor-jeeda Xarunta Dambi baarista ee CID.

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET