WARARKII UGU DANBEEYAY CIIDAMADA DOOWLADA OO 12 SAAC KADIB SOO AFJARAY WEERARKII HOTEL MAKA AL_MUKARAMA

27.03.2015 22:59

Waxaa goor dhaweyd lasoo afjaray Howlgalkii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula tacaalayeen la wareegida ammaanka guud ee Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo mintidiin ka tirsan Shabaab ay weerareen.

Goor dhaweyd ayeey u suuragashay ciidamada Gaashaan ee Nabad Suggida ka tirsan inay gaaraan qaybta sare ee Hoteelka Maka Al-Mukarama oo Dhismihiisa ka kooban yaahy Afar Dabaq, xilli saaka aroortii halkaasi ay ka dhaceysay rasaas.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mid mid u galay qolalka uu ka kooban yahay Hoteelka si ay u hubiyaan in cid ay ku jirto ama uu maran yahay qolkaasi.

Booliiska, Nabad Suggida iyo ciidamada Milateriga ayaa hada buuxiyay Hoteelka gudihiisa, iyadoo Hoteelka gudihiisa ay ku sugan yihiin Saraakiil sar sare oo ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya.

Howlgalkaan lagu soo afjaray weerarkii shalay Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa qaatay in ku dhaw 12-saacadood.

Wariyeyaasha Hoteelka ku sugan waxa ay soo tabinayaan in ninkii ugu dambeeyay ee ka mid ahaa raggii soo weeraray Hoteelka ciidamada ay toogteen, waana mida keentay in ciidamada ay amniga Hoteelka si rasmi ah ula wareegaan.

Ciidamada Booliiska qaybta Miino Baarista ayaa baaris ku haayo Hoteelka si ay u hubiyaan in Miinooyin ay ku dhex-jiraan Hoteelka iyo in amniga la isku haleyn karo.

Waxaan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dhimashada ee ka dhashay weerarkaasi, maadaama weli meydad hor leh laga soo saarayo Hoteelka.

Saraakiisha Dowladda ayaa la filayaa inay goor dhaw Saxaafadda kula hadlaan Hoteelka, ayna faah-faahiyaan jawiga guud.

waxii warar ah ee soo kordha kala soco runtanews

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET