Wararkii ugu dambeeyay xiisada Beledweyn iyo Maleeshiyo hubeysan oo wadooyin xiratay (Sawirro
21.11.2015 11:29Xiisad ayaa mar kale dib uga soo cusboonaatay magaalada Beledweyn, kadib markii maleeshiiyooyin hubeysan oo ku heyb ahaa Sarkaalkii u shaqeynayay Qaramada Midoobey ay xirteen wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Maleeshiyooyinkan ayaa ka careysan markii maanta duhurkii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax uu dib ugu soo laabtay gudaha magaalada, kadib markii uu xalay ku hoyday Xerada Ceel Jaalle ee AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya in Xerada AMISOM uu xalay kulan uga socday Guddoomiyaha, Saraakiisha AMISOM iyo wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo hogaaminayay Xeer Ilaaliyaha Guud, kuwaasoo baaritaan ku sameynaya dilkii todobaadkan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulamadaas ay natiijo la’aan ku dhamaatay, taasoo keentay inuu Xerada isaga soo baxo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.
Maleeshiyooyinka hubeysan ayaa markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan dib ugu soo laabtay magaalada bilaabay inay xirtaan wadooyinka muhiimka, taasoo xaalada magaalada ka dhigtay mid kacsan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyooyinka hubeysan ay xirteen wadadii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u mari lahaa gurigiisa, waxaana laga cabsi qabaa in ciidankiisa iyo maleeshiyadan ay isku dhacaan.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo maalmo ka hor ku guuleystay in maleeshiyooyinkan uu ka qaado jidadka ay xirteen ayaa bilaabay waan waan cusub oo uu ku doonayo in xal looga gaaro xiisada dib uga soo cusboonaatay magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyooyinka ay dalbanayaan in xilka laga qaado Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isla markaana Maxkamad la soo taago, iyagoo ku eedeynaya inuu ka dambeeyay dilka Mahdi Xuseen Shiikhaal oo u shaqeynayay Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miinada.
Banaan bax looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya oo ujeedkooda ahaa in aanay xiisadan wali xal ka gaarin ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyn, waxaana dadweynaha ay ku baaqayeen in nabad la qaato.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka