Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Saraakiil Imaaraadka Carabta

24.06.2015 13:35

Waxaa Goordhaw Weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah ay la socdeen Saraakiil katirsan Dowlada Imaaraadka Carabta xili ay marayeen agagaarka Isgooska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaari Cabdi Bille ah oo kamid ahaa Gawaari Dagaal oo ilaalinayay Saraakiil u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ku sugnaa.

In ka badan 12-qof oo isugu jira Ciidan iyo shacab ayaa ku dhintay Weerarkaasi ismiidaaminta ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan kuwaa oo loola cararay Isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho.

Wariye Goobta qaraxu ka dhacay tagay ayaa soo sheegaya in Weerarka Ismiidaaminta ah uu ka dhashay qasaarooyin aad u xoogan, waxa uu tilmaamay in halkaasi ay yaalaan dhiig badan iyo hilbaha qaar kamid ah dadkii ku dhintay.

Lama oga in qasaaro uu qaraxaasi kasoo gaaray Saraakiishii Imaaraadka Carabta ahaa ee lasocday kolonyada la weeraray, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay Ciidamo katirsan Dowlada kuwaa oo dadka ku kala eryayay rasaas.

Dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin Weerarkan Ismiidaaminta ah, waxaana weerarkan uu imaanayaa xili ay Al-Shabaab kordhiyeen Weerarada ay ka geesanayaan Goobaha ay Dowlada Soomaaliya ka taliso.

 

warar sugan kala soco 

shabakada runtanews.net 

nagala soo xariir 

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET