Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Hotel Jazeera iyo Al-Shabaab oo sheegatay
26.07.2015 18:29Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ismiidaamin ahaa oo lala eegtay Hotelka caanka ah ee Jazeera Palace Hotel, iyadoo qaraxan uu bur buriyay qeybo badan oo ka mid ah dhismaha Hotelka.
Ugu yaraan lix ruux ayaa la xaqiijiyay in illaa iyo haatan ku geeriyoodeen qaraxan oo dhacay abaarihii 4-tii galabnimo iyo qadaro daqiiqado ah, waxaana qaraxa uu ahaa mid aad u gil gilay magaalada inteeda kale.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya inay wadaan tira koobka saxda ah khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana xiran wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo KM4.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay gaari weyn oo kuwa xamuulka ah, kaasoo saarnaa qarax tankiisu aad u ballaarnaa, kaasoo lagu dhiftay gidaarka hotelka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxan waxaana afhayeenkooda C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters uu sheegay in qaraxaas khasaare xoogan ay ku gaarsiiyeen waxa uu ugu yeeray cadawga.
Sidoo kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan uu aar-gud u ahaa dadkii lagu laayay Gobollada Bay iyo Bakool.
Marka aad eegto muuqaalka Hotelka iyo sidii uu horay ayaa ah mid aan la qiyaasi karin, waxaana qaraxan uu ahaa mid noociisa aan horay loo arkin.

Sawir Hore: Hotelka Jazeera ayaa qaab casri ah oo la heer ah Hotelada caalamka ku yaal oo kale u dhisnaa wuxuuna soo jiidasho u ahaa Bilicda magaalada Muqdisho
Dhismayaal ku dhowaa Hotelka ayaa gebi ahaanba bur buray, waxaana la sheegayaa in dhismayaasha qaar ee dumay meydad laga soo saarayo.
Gawaarida ambalaasta ayaa dhaawacyo fara badan ka daad gureynayay goobta ay wax ka dhaceen, walina ma jirto tiro rasmi ah oo ah dhaawacyada, waxaana la geeyay isbitaalada qaar.
Hotelka Jazeera ayaa ah hotel qaab casri ah u dhisan, dhowr jeer ayaa Al-Shabaab ay weerartay, balse khasaarahan maanta oo kale uma gaarin.

Bur bur xoogan ayaa soo gaaray Hotelka Jazeera, waxaana qeyb dhan uu saameeyay qaraxii xooganaa ee lala beegsaday
Hotelka waxaa degan safaaradaha Shiinaha iyo Qatar, waxaa uu caan ku yahay inay degaan diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda sida Wasiirada, waxaa uu horay u marti geliyay shirar kala duwan oo dowladdu ku qabatay.
warar sugan xaqiiq ah kala soco
shabakada calamiga ee runtanews.net
———
Tillbaka