Wararkii ugu dambeeyay ee Musuqmaasuqa FIFA
28.05.2015 21:06

Guddoomiyaha Fifa Sepp Blatter oo qabtay shir deg-deg ah oo ay ka soo qeybgaleen madaxda Fifa ayaa sheegay inuusan is casileyn ayna doorashadii hogaanka Fifa ay dhacayso xilligii loo qorsheeyay.
Blatter ayaa waxaa saaran cadaadis xoog leh kadib markii xabsiga loo taxaabay 7 ka mid ah madaxda Fifa. Xeer ilaaliyaasha Maraykanka ayaa ka codsaday xukuumada Swizerland in ay xirto saraakiishaas.
Ra’iisal wasaaraha UK David Cameron ayaa ugu baaqay Mr Blatter in uu shaqada isaga tago hase yeeshee Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa markii shanaad taageero siinaya Blatter.
Madaxweyne Putin ayaa ku eedeeyay dowlada Maraykanka in ay dooneyso in aan la qaban doorashada madaxtinimada Fifa amaba uusan ku guulaysan Blatter.
Doorashada madaxtanimada Fifa ayaa la qaban doonaa maalinta Jimcaha ah iyadoo xiriirka kubbada cagta ee Yurub oo hore ugu hanjabay inuusan ka qeybgalayn doorashada ayaa dib uga noqday go’aankaas.
Madaxa Uefa Michel Platini ayaa ka codsaday Blatter in uu is casilo kadib qalalaasaha ka dhashay xarriga lix ka mid ahayd madaxda Fifa.
Mr Blatter ayaan ka mid ahayn 14ka ruux ee ay dowlada Maraykanku ku soo oogtay dacwado la xiriira laaluush iyo musuqmaasuq.
Mr Platini madaxa xiriirka kubbada cagta ee Yurub ayaa ka codsaday Blatter in ay si gaar ah u kulmaan hase yeeshee Blatter ayaa diiday waxana uu u sheegay Platini waxa uu doonayo in uu u sheego in fagaaraha kulanka uu ka sheego.
Mr Platini ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kulanka kadib sheegay in uu si saaxibtinimo ah ugaga codsaday Blatter inuu is casilo balse uu ka diiday.
Uefa ayaa haatan dooneysa inay taageerto musharaxa kaliya ee la tartamaya Blatter ee ah amiirka Jordan Prince Ali bin al-Hussein doorashada la qabanayo Jimcaha.
———
Tillbaka