Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Shirka Wadatashiga ee ka socda Magaalada Garoowe iyo kulamada hoose

01.05.2015 20:26

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal oo maalintii shalay ahayd ka furmay shirka wadatashiga ee u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa kasoo baxaayo warar kala duwan.

Shirka ayaa maalintiisii Labaad maanta socda, waxaana wada fadhiya Gudiyo Afar ah oo kala matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Puntland, Koonfurgalbeed iyo maamulka KMG ee Jubba, waxaana looga hadlayaa arimo dhowr ah, inkastoo uu ka taagan yahay ismari waa.

Inta uu shirka socdo, ayaa waxaa barbar socda shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland oo isagu waxbadan ka tabanaayo Dowlada.

Dowlada Somalia ayaa si cad u qaadacday in Maamulka Gobolada Dhexe laga reebo qeybta ay ka arimiso Maamulka Puntland waxaa si taa lamid ah go'aano hordhac ah kasoo saaray Puntland oo iyadu aaminsan in caqabad weyn kaga imaankarto maamulka dhismihiisu socdo.

Mas'uuliyiinta qaar ayaa shaki ka muujinaayo in shirkaasi uu kasoo bixi karo rajo wanaagsan, halka qaarna ay aaminsan yihiin in gabagabadiisa leysu fahmi doono.

Waxaa weli taagan is fahan'waaga ka dhexeeyo Dowlada iyo Maamulka Puntland, waxaana dhex dhexaad ka ah Maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed oo aan weli gaarin maslaxadii ay shirkaasi ka lahaayen.

Shirkaan ayaa markii uu soo gabagaboobo waxaa la filayaa in si wadajir ah loo soo saaro War-murtiyeed ku aadan waxyaabihii la’isla gartay.

warar sugan kala soco

shabakada runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET