Wararkii ugu dambeeyay ee Dhuusomareeb iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh habeenkii 2aad ku hoyanayo
25.03.2015 21:31Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in aan weli heshiis laga gaarin khilaafka ku saabsan halka lagu qabanayo shirka maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii labaad hoyanaya magaalada iyadoo uu wadahadalo aan loo kala kicin maanta oo dhan la lahaa odayaasha soo saaray go’aanka ah in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.
Kulamada uu madaxweyne Xasan Sheekh la yeelanayay odayaasha dhaqanka ayaan illaa iyo hadda wax horumar ah laga sameyn iyadoo wararka u dambeeyay ay sheegayaan in ergada shirka Dhuusomareeb ay u sheegeen madaxweynaha inaysan suurtogal ahayn in magaalada Cadaado ay martigeliso shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayna raacayaan sida ay yeeleen maamuladii ka horeeyay ee lagu dhisay magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo oo kulamadooda ay ka dhaceen xarumo gobol.
Lama saadaalin karo go’aanka uu ka qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh halka ay noqonayso gogosha shirka gobolada dhexe ee Soomaaliya. Iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in oday dhaqameedyo caan ah ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.
Dad badan ayaa rumeysan in gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay yihiin halka burburka dalka uu ka soo bilawday haddii heshiis laga gaaro maamul u sameyntoodana ay noqon doonto mid horumar u ah ummada Soomaaliyeed.
Si kasta ha ahaatee siyaasiyiin badan ayaa arrinta maamul u sameynta gobolada dhexe aad ugu kala qeybsan waxaana ay sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiintas in ismari waaga gogasha shirka ay ka sii adkaan doonto sida maamul la isku raacsan yahay loogaga heli karo gobolada dhexe ee dalka.
warar sugan kala soco runtanews
waxaad nagala soo xariirikartaan ganeyte5@gmali.com
———
Tillbaka