October 28 (Jowhar)—Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo is qilaafsan kuna saabsan diyaarad duhurnimadii maanta ku dhacday deegaan lagu magacaabo Cusmaan Durre oo dhanka Galbeed ka xiga degmada Afgoye.
Diyaaradan ayaa la sheegay inay u kireysnayd ciidamada AMISOM una sii jeeday garoonka diyaaradaha Ballidogle ee gobolka Sh/hoose iyadoo ka soo duushay dalka Kenya, lamana oga diyaaradan sahayda ay sidey.
Wararka qaar ee aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaarada ku dhacday deegaan ay maamulaan ururka Alshabaab ay u suurtogashay ciidamada Alshabaab in ay qariyaan diyaarada oo geedo dul saareen si aan loo arkin, waxayna halkaa ka wateen shaqaalihii iyo duuliyaashii saarnaa diyaarada oo aan weli la shaacin wadamada ay u dhasheen.
Halka warar kalana ay tilmaamayaan in illaa iyo hadda la la’ yahay halka ay diyaarada ku dhacday sababo la xiriira dhulka oo keyn ah iyo roobab badan oo ka da’ayay deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose maanta.
Hase yeeshee sarkaal u hadlay wasaarada Gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa sheegay in diyaarada aysan saarneyn wax muwaadiniin Maraykan ah diyaaradana laga lahaa wadanka Kenya.Warbaahinta Alshabaab taageerta ayaan ka hadlin diyaaradan in gacantooda soo gashay mana jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka AMISOM iyo dowlada Federalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo ka hadlay arrimaha diyaaradan ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ku aadan sida ay ku ogaan lahaayeen waxa ay ahayd diyaaradda dhacday, isla markaana ay goobta u direen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM si ay ula wareegaan amniga, maadaama ay goobta ka agdhawyihiin maleeshiyada Al-shabaab.
12kii bishan ayay ahayd markii diyaarad u kireysneyd AMISOM ay ku soo dhacday meel u dhexeyso Muqdisho iyo Afgoye hase yeeshee diyaaradaa oo ku soo dhacday deegaan ay maamusho dowlada federalka ayaa dhammaan shaqaalihii saarnaa oo u dhashay dalka Masar.