Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Gobolka Galgaduud iyo Ciidanka New Police oo isaga baxay
28.05.2015 21:40Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Deegaan hoostaga Degmadaasi gaar ahaan kuwa kuyaala Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ay weerar culus kusoo qaadeen Ciidamo katirsan New Booliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamada New Booliis ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay Deegaano kuyaala Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya wadaagaan waxa ay kula dagaalamayeen Dad xoolo dhaqato ah, waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada New booliiska ay dad badan ku laayeen Deegaankaasi.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saakay mar kale dagalao culus ay ka qarxeen deegaano hoos taga Degmada Guri Ceel oo kuyaala Xadka Itoobiya , waxaana halkaasi mar kale weerar kusoo qaaday Ciidamada New booliiska Itoobiya kuwaa oo dad badan ku dilay dagaalka sidoo kal dad kale nolosha ku watay.
Deegaanada ay Ciidamada New booliiska Itoobiya soo weerareen dagaalada ay ka dhaceen waxaa kamid ah Bali Dhiig, Labo Baar, Ismadhaqa iyo Deegaanka kale toosandheer kuwaa oo dhamaan kuyaala xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya dhinaca Galgaduud.
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Ciidamada New booliis ay weerar gardaro ah kusoo qaadeen Gobolka Galgaduud ayna dileen dad badan oo xoolo dhaqato ah .
Waxa uu ugu baaqay Cirfo Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay soo faragaliso Weerarka Gardarada ah ee Ciidamada New booliiska Itoobiya kusoo qaadeen Deegaanada katirsan Gobolka Galgaduud ayna la hadasho Madaxda Dowlada Itoobiya iyo Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.
Ciidamada New Booliiska oo ah kuwa ay leeyihiin Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa marar badan waxa ay kusoo xadgudbeen Xuduuda Soomaaliya , waxa ayna dad badan ku dileen Xadka Soomaaliya uu la wadaago Dalkaasi.
mar waliba waxaad naga heleysaa
warar sugan xaqiiq ah
runtanews.net
———
Tillbaka