Wararkii ugu dambeeyay ciidamada ammaanka oo toogtay rag hubaysan oo weeraray Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado

18.06.2015 09:49

Bildresultat för cadaadoWarar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar saaka lagu qaaday xarunta Kafaalo oo ay degan yihiin Ergada Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe, weerarkaasi oo ahaa mid ismiidaamin iyo israsaaseyn oo xubno Shabaab ka tirsan ay fuliyeen.

Ragga weerarkaan fuliyay ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaan afar ruux, waxaana ay wateen gaari noociisa uu yahay SURF/RUNEYD, mid ka mid ah ragaasi ayaa isku qarxiyay agagaarka Xarunta Kafaalo.

Saddexda ruux ee kale oo hubaysnaa ayaa isku dayay inay xoog ku galaan xarunta, hayeeshe ciidamada ammaanka Xarunta Kafaalo, ayaa toogtay raggaasi, sida uu xaqiijiyay ruux ku sugan Magaalada Cadaado oo goobta wax ay ka dhaceen ka agdhawaa.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka Mamul U Sameynta Gobolada Dhexe Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyay oo ciidamada ammaanka ay ka hortageen.

Waxa ay sheegtay inaysan jirin wax khasaaro ah oo Ergooyinka kasoo gaaray weerarkaan Shabaabka ay ku qaadeen xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo Ismiidaamin iyo israsaaseyn isugu jira oo lagu qaado Ergooyinka Shirka Magaalada Cadaado, xilli ammaanka Magaaladasi si weyn loo adkeeyay.

Maanta oo Bisha Ramadaan koow ay tahay ayaa waxaa ay ku bilaabatay weerarkaasi Shabaabka ay ku qaadeen Magaalada Cadaado, inkastoo weli Shabaabka aysan faah-faahin rasmi ah ka bixin weerarkaasi.

warar sugan kala soco 

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET