WARARKA NAGA SOO GARAYA CADAADO OO SHEGAYA IN CAAWA UU HALKAASI KA SOCDO SHIRAR ADAG OO U DHAXEEYA MADAXDA DOWLADA IYO MAAMULKA XIMAN IYO XEEB.

15.04.2015 21:26

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Caawa uu halkaasi ka socdo shirar adag kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowlada iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu aad caawa uga carooday go'aamo hor leh oo kasoo baxay Odayaasha iyo Maamulka Cadaado, kaasi oo ku qotomo diidmada go'aankii hore.

Odayaasha ayaa weli ku adkeysanaayo in Madxaweyne Xasan uu kasoo laabto go'aanka lagu raali galinaayo Odayaasha Dhuusamareeb, waxaana la soo sheegayaa in hadda uu Madxaweynaha diirada saaray qancinta Odayaasha Cadaado.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu fadhiga uga kacay Odayaasha iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb kadib markii uu u arkay inay caqabad ku yihiin dhismaha Maamulka, maadaama loo ogolaaday inay marti galiyaan shirka.

Xaalada ayaa Caawa ah mid kacsan waxaana suuragal ah in maalinta bari ah uu dib u dhac kale ku dhaco shirka, iyadoona laga cabsi qabo in Madaxweyne Xasan iyo Wafdigiisa ay dib ugu soo laabtan Magaalada Muqdisho, waa hadii uu sidaa kusii socdo khilaafka.

waxii warar ah oo ku soo kardha kala soco 

shabakada caalamigaa 

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET