WARAR KII UGU DANBEEYAY MALEEYSHIYADA AHLU SUNNA OO CIIDAMADA AMISOM U DIIDAY INEEY GALAAN G/GALGADUUD

01.04.2015 10:18

maleeyshiyada  Ahlu Sunna ayaa weli waxa ay hortaagan yihiin ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo doonaayay inay ka gudbaan xadka Gobolka Galgaduud iyo Hiiraan ay wadaagaan, xilli ciidamadaan ay ku sii jeedaan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Amisom ayaa waxaa lagu celiyay duleedka Magaalada Matabaan oo shalay ay ciidanka Ahlu Sunna ay is hor istaag ku sameeyeen, iyadoo xalay ciidamada ay ku hooydeen duleedka Matabaan.

Waxaa jira wada hadal u dhaxeeya ciidamada Amisom iyo Saraakiisha Ahlu Sunna, inkastoo Ahlu Sunna ay ka biyo diidan tahay in ciidamadaan ay ka gudbaan xadka Hiiraan iyo Gobolka Galgaduud ay wadaagaan.

Saraakiisha Amisom ayaa isku dayaya inay si nabad ah halkaasi uga gudbaan, waxaana wada hadal ay la leeyihiin Saraakiisha Ahlu Sunna si ay uga dhaadhiciyaan inay si nabad ah ku gudbaan, ujeedkoodana uu yahay inay gaaraan Magaalada Cadaado oo lagu wado in shir uu ka furmo.

Waa markii labaad oo ciidamada Amisom is hor istaag ay kala kulmaan ciidamada Ahlu Sunna, xilli kolkii dagaalka uu ka taagnaa Dhuusamareeb iyo Guriceel, ciidamada Amisom sidaan oo kale loogu celiyay duleedka Matabaan.

Gobolka Galgaduud waxaa ka taagan xasaasiyad siyaasadeed oo ku aadan halka lagu qabanaayo rasmi ahaan shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

 

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah

kala soco runtanews.net

Nagala Soo Xiriir

ganeyte@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET