WAR DEGDEG AH.BAARLAMANKA SOMALIYA OO KALA LAABTAY KALSOONIDA BAARLAMAANKII JUBALAND.

06.06.2015 12:49

Bildresultat för baarlamaanka somaliyaBaarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa codka Kalsoonida waxa ay u qaadeen Mooshin laga keenay Baarlamaanka KMG ee Maamulka Jubba.

Kulanka Baralamaanka Soomaaliya ayaa markii hore ku bilowday buuq kadib markii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay kasoo horjeesteen in Mooshinka laga gudbiyya Baarlamaanka Jubba codka Kalsoonida loo qaado.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guda galay ajandaha kulankooda uu ugu muhiimsanaa cod u qaadista Mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka KMG ee Jubba iyadoona Xildhibaano kasoo horjeeday Mooshinka ay kulanka isaga baxeen.

Waxaa codka loo qaaday Mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Jubba xaadir u ahaa 142-xildhibaan , waxaana Mooshinka Taageeray Codka Kalsoonidana kala laabtay Baarlamaanka Jubba Xildhibaano gaaray 132 Xildhibaan , waxaa diiday 4-Xildhibaan halka 6- Xildhibaanada ay ka amauseen.

Mooshinka ay Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ka gudbiyeen Baarlamaanka Jubba ayaa noqday mid meel maray , waxaana Xildhibaanada taageersanaa Mooshinkan ay si weyn usoo dhaweeyay kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka Jubba.

Maamulka Jubba ayaa horey u cadeeyay in ay codka kalsoonida kala noqon doonaan Dowlada Federaalka Soomaaliya hadii ay u codeeyaan mooshinka laga gudiyay Baarlamaankooda , lamana oga go’aanka ay Maamulka Jubba ka qaadan doodaan kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka Jubba.

warar sugan kalasoco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode