War Deg Deg Maamulka Puntiland oo isaga baxay Shirka Wadatashiga ee ka socda Magaalada Muqdisho

20.09.2015 11:56

Warar aan goordhaw ka helnay halka uu kasocdo shirka wadatashiga ay leeyihiin Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa sheegaya in maamulka Puntiland uu shirkaasi isaga baxay.

Madaxweynaha Puntiland Cabdi Weli Gaas iyo Xubnihii kale ee Maamulkaasi shirka u matalayay ayaa lagu soo waramayaa in ay hada shirka banaanka ka joogaan, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in Madaxweynaha Puntiland laga qanciyo in shirka dib ugu laabto.

Sida aan Wararka ku heleyno Maamulka Puntiland ayaa kasoo horjeeda Maamulka Galmudug uu Madaxweynahooda uu shirka ka qeyb galayo, waxa ay sidoo kale Puntiland kasoo horjeedaan qodobada qaar ee shirka looga doodayo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxweynaha Puntiland CabdiWeli Gaas oo shirka kasocda Magaalada Muqdisho goordhaw isaga baxay, waxa uuna horey u sheegay Gaas in marnaba aysan Shirka kasoo qaadan doonin wax aanan u cuntamin bulshada Puntiland.

Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET