War Deg Deg Ah '' Shirkii Kismaayo oo soo gaba gaboobay iyo Madaxda oo isku raacay Qodobadii la isku heestay

17.01.2016 12:36

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goordhaw uu soo gaba gaboobay shirkii Madasha Wadatashiga qaran ee Kismaayo uga socday Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul goboleeyada dalka.


Sida aan Wararka ku heleyno Madaxda Maamulada Dalka iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isla gartay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu soo xulo nidaamka 4.5, halka aqalka Odayaashana lagu soo xulayo qaab degmo.

Shirka ayaa sidoo kale la isku raacay in aysan jiri doonin waqti kororsi loo sameeyo dowlada Federaalka hada jirta, waxaana la isku raacay in Dowlada waqtigeeda ay ku egtahay lana soo dhisayo Dowlada kale marka waqtiga Dowladan ka dhamaado.


Wadahadalo saacado badan socday la isku mari waayay kadib ayaa la sheegay in Madaxda shirka ka qeybgaleysay ay isku tanaasuleen ayna isku raaceen qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka Federaalk aiyo aqalka Odayaasha.

Waxaa la filayaa saacadaha soo aadan in shirka laga soo saaro War-murtiyeed qodabeesan oo lagu xusayo qdobada ay isku raaceyn Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET