War Deg Deg ah Shirka Cadaado oo buuq isku bedelay iyo Gudoomiyaha gudiga farsamada oo kuraas lagu weeraray

04.06.2015 12:33

War hada naga soo gaaray Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in foodo iyo buuq uu xiligaani ka taagan yahay hoolka uu shirka ka socdo.

Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya in Ergooyinka shirka ay Hoolka ka sameeyen buuq, kadib markii loo guda galay qeybinta Dastuurka Kumeel-gaarka Maamulka Cusub.

Ergooyinka qaar ayaa lagu soo waramayaa inay kuraas ku weerareen Gudoomiyaha gudiga Farsamada Xaliimo Yarey iyo tiro Odayaal ah oo iyadu taageersanaa.

Ergooyinka qaar ayaa ka biyo diiday qaadashada Dastuurka cusub waxa ayna halkaasi ka sameeyen foodo sababtay inuu hakat ku imaado socoshada shirka.

Shirka ayaa la soo sheegayaa inuu istaagay waxaana hoolka uu shirka ka socda soo buux dhaafiyay Ciidamada amaanka oo iyagu raadinaayay xal lagu badbaadinaayo Gudoomiyaha Gudiga farsamada oo iyadu kuraasta lagu soo weeraray.

Ugu dambeyntii, Gudiga farsamada oo cod dheer ku qeylinaayay ayaa hoolka ka sheegay in shirka uu manta yahay mid xiran islamarkaana leysugu imaan doono maalinta bari ah.

 
warar sugan kala soco
runtanews.net
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET