War Deg Deg Ah '' Sheekh Axmed Madoobe oo Goordhaw gaaray si diirana loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado
06.01.2016 12:43
|
|
Waxaa goordhaw Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug gaaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)iyo Wafdi la socda.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado waxaa kaga hortagay Wafdiga Sheekh Axmed Madoobe si diirana halkaasi ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta Galmudug iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.
Wararka aan ka heleyno Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland loo galbiyay Madaxtooyada Galmudug halkaas oo xiligan ay kulumo ku leeyihiin Madaxda Labada Maamul ee Galmudug iyo Jubbaland.
Waa markii ugu horeesay uu magaalada Cadaado tago isaga oo Madaxweyne ah Sheekh Axmed Madoobe , waxaana tani muujineysa in xariirkii labada maamul ka dhaxeeya uu hada kasoo hagaagay sidii uu markii hore ahaa.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka