War Deg Deg Ah Shariif Xasan iyo Xubno kasocda Beesha Caalamka oo goordhaw gaaray Magaalada Cadaado

23.07.2015 12:57

Wararka ka imaanaya Magaaada Cadaado ayaa sheegaya in goordhaw garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ay ka dageen masuuliyiin sar sare iyo xubno katirsan beesha Calaamka oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno maamulkiisa katirsan ayaa goordhaw gaaray Magaalada Cadaado, waxa ayna ka qeyb galayaan Caleemo saarkaa Cabadi Kariin Xuseen Guuleed.
Waxaa sidoo kale Cadaado goordhaw iyana gaaray xubno katirsan beesha Caalamka ay ku jiraan Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nikolas Kay , Ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo xubno kale kasocda beesha Caalamka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iyana goordhaw la filayaa in ay ka dagaan Magaalada Cadaado, waxaana garoonka ku sugaya Madaxweynaha iyo wafdigiisa Madaxweynaha Galmudug iyo xubno kale oo katirsan Dowlada Federaalka.
Masuuliyiintan ayaa dhamaan ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xueen Guuleed oo la filayo in maanta ay ka dhacdo Magaalada Cadaado, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee Magaalada Cadaado.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET