War Deg Deg Ah madaxweynaha FIFA Sepp Blatter Oo Goordhaw ku Dhawaaqay In uu Is Casilay [Daawo Sawirada]

02.06.2015 20:39

Sepp Blatter ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu iska casilay jagada madaxweynenimada FIFA xilli bartanka ay kaga jiraan fadeexad la xiriirta musuqmaasuq.

Shir jaraa’id oo uu goordhow qabtay ayuu 79 jirkaan ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dooran doono madaxweyne cusub oo hogaamiya ururka kubada cagta adduunka ee FFA.

Sepp Blatter ayaa dib loo doortay markii shanaad isbuucii hore, inkastoo todobo xubnood oo sarsarre oo ka tirsanaa FIFA la xiray ka hor codeynta iyagoo lagu eedeeyay laaluush bixin iyo musuqmaasuq.

Gudiga FIFA ayaa la isagu yeeri doonaa shir deg deg ah si ay u doortaan madaxweyne cusub oo bedela Sepp Blatter. Laakiin Blatter ayaa sii ahaan doona madaxweynaha FIFA ilaa iyo inta doorashada cusub laga qabanayo.

Hadalkii uu ka jeediyay shirkiisa jaraa’id waxa uu ahaa sida tan:

“Habeen wanaagan mudanayaal iyo marwooyin,

“Waxaan si dhab ah uga fekeray madaxtinimadeyda iyo 40kii sanno ee nolosheyda, sannadahaasna waxaan si dhow ugu xirnaa FIFA.

“Waxaan kaliya doonayaa inaan waxa ugu fiican u qabto kubada cagta. Doorashooyinkii waa soo xirmeen laakiin howlihii ina horyaalay ma aysan soo xirmin.



“FIFA waxa ay u baahan tahay dib u dhis iyo dib u habeyn xoogan.

“Waxaan isagu yeeri doonaa xubnaha FIFA si ay u doortaan madaxweyne cusub.

“Isma soo sharixi doono mar kale. Haatan waan ka madax banaanahay doorashada.

“Waxaan haatan joogi doonaa boos aan ku sii wadno dadaalada aan wadnay.

“Muddo sannadooyin ah waxaan wadnay dadaaladaas, mana aysan noqonin kuwa nagu filan.

“Waxaa iga dhaadhacsaneyd in haddii aan mar kale ku guuleysto doorashada inay u fiican tahay kubada cagta.

“Inkastoo xubnaha FIFA ay dib ii doorteen, hadana qorshaheyga ma ahan mid ay taageerayaan dadka kubada cagta jecel.

“Ciyaartoyda, taageerayaasha kooxda iyo dhamaan inta uu noloshooda sameeyo kubada cagta ma aysan taageerin qorshaheyga.

“Danta FIFA ayaa igu weyn aniga, waana sababta aan u qaatay inaan iska casilo shaqadeyda.

“Waxa igu weyn waa FIFA. Waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad ii dhageysateen.”

Sepp Blatter ayaa jimcihii lasoo dhaafay waxaa mar kale loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA kadib markii uu ka guuleestay ninkii la tar tamayay ee Amiir Cali.



 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
warar sugan kala soco
shabakada calamiga
ryntanews.net
 
 
 
 
 
 
 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET