War Deg Deg ah: Saraakiishii loo Xiray Qaraxii S.Y.L oo loogudbiyay Xabsiga dhexe iyo Warar Dheeraad ah oo kasoo baxay…
08.03.2015 00:05Wararka laga helaayo xariga Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee dhawaan la xiray ayaa sheegaya in goordhow loo gudbiyay Xabsiga Dhexe Xamar.
Wararku waxa ay sheegayaan in Saraakiisha Xabsigaasi loo gudbiyay ay gaarayaan ilaa 11-Saraakiil kuwaasi oo qaarkood lagu helay kiisas la xiriira faldambiyeedka.
Sidoo kale, Saraakiishaan, ayaa saddexdii habeen ee ugu dambeysay ku hoyday Xabsiga Xarunta Dembi Baarista, oo ku taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho. Waxaana Xaruntaasi gacanta ku haysa Hay’adda Nabad Suggida iyo Qaranka.
Waxaa weli socta baaritaanada waxaana suuragal ah in Saraakiishani lagu rido xakuno kala duwan inkastoo qaarkood aan weli lagu heyn wax dambiyo ah.
Dhanka kale, Saraakiisha, ayaa saddex ka mid ah waxay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, iyadoo sideeda kalana ka tirsan yihiin Booliska Magaalada Muqdisho.
Xubnahaan, ayaa waxaa lala xiriirinayaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 22-kii bishii January lagu qaaday Hotel S.Y.L, xilli ay ku sugnaayeen wefdi u gogol xaarayay booqashadii Madaxweynaha Turkiga, uu 25-kii bishaas ku tagey Magaalada Muqdisho.
———
Tillbaka