War Deg Deg ah Qaraxyo iyo Weerar Toos ah oo lagu qaaday Xarun ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Muqdisho
21.06.2015 11:18Waxaa qaraxyo iyo rasaas xoogan laga maqlayaa agagaarka xarunta Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxa uu ku bilowday Qarax waxaana xigay rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan Ciidamada dowlada iyo kuwo la rumeysan yahay inay yihiin Al-shabaab.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay weerareen xarunta Ciidamada Onkod.
wararku waxa ay intaa kusii darayaan in laba ruux ay isku qarxisay banaanka hore ee xarunta qaar kalane ay isku dayeen inay gudaha u galaan xarunta balse afafka inta aysan gaarin darbiga dheer ee xarunta la toogtay.
Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in dhamaan Kooxihii xarunta weerarka ku qaaday la dilay, waxaana xiran dhamaan agagaarka xarunta.
La soco wararkeena dambe wixii faahfaahin dheeri ah
———
Tillbaka