War Deg Deg Ah Martidii Dagneed Xarunta lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta G/Dhaxe oo lagu amray in ay baneeyaan Xaruntasai

28.04.2015 12:27

War goordhaw aan ka helnay Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Wasaarada Arimah Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ay ku amartay martida iyo dadka kale ee dagan xarunta loogu tala galay shirka maamul u sameynta Gobolada Dhaxe in halkaasi baneeyaan.

Mid kamid ah ka qeyb galayaasha Shirka Cadaado ka furmay ayaa noo sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha ku amartay dhamaan dadka dagan xarunta uu shirka ka furmaayo in halkaasi ay baneeyaan ilaa galabta marka ay saacadu tahay 4-ta Galabnimo.

Wasaarada Arimaha Gudaha Masuuliyiin katirsan oo kusugan Magaalada Cadaado ayaa sheegay in dadka hada dagan xarunta shirka lagu qabanayo ay yihiin kuwa aan wali loo soo xulan in ay kamid noqdaan Ergayda shirka ka qeyb galeysa, waxa ayna tilmaameen in Xaruntaasi la dajinayo Ergayda Beelaha ay soo xushaan.

Dadkii Cadaado u tagay ka qeyb galka Shirka kasocda Magaalada Cadaado ee daganaa xarunta hada laga saarayo ayaa ka murugsan halka ay dagi doonaan, waxaana aad u adag in magaalada laga helo guri ama Hotel ay dadku dagaan.

Waxaa laga cabsi qabaa hadii dadkaasi galabta laga saaro Xaruntii ay dagnaayeen in ay dib ugu laabtaan Magaalooyinkii iyo Deegaanadii ay markii hore ka tageen ama ay jiifsadaan banaanada Magaalada Cadaado inta arintooda xal looga helayo.

Waxaa hada magaalada Cadaado uga socda wadatashi ku aadan sida ay ka yeelayaan amarkan lagu soo rogay ergayda magaalada Cadaado u tagtay ka qeyb galka Shirka Maamulka loogu sameenayo Goboloda Dhaxe.

 

 

warar sugan kala soco

shabakada calamiga

runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET