War Deg Deg ah Maamulka Jubba oo shaaciyay inay xiriirka u jareen Dowlada iyo Wafdiga dowlada ka jooga kismaayo oo loogu baaqay inay ka baxaan
06.06.2015 19:02Iyadoo maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Somalia ay u codeeyen in Baarlamaanka Jubba uu yahay waxkama jiraan ayaa waxaa arrintaasi goordhow ka jawaabay Maamulka Jubbaland.
Go’aan kasoo baxay Maamulka ayaa waxaa lagu shaaciyay in Maamulka uu xiriirka u jaray Dowlada Soomaaliya islamarkaana Mas’uuliyiinta Dowlada ka jooga Kismaayo kuwar galiyay inay isaga baxaan.
Amarkaani ayaa waxa uu amakaak ku noqday Dowlada Soomaaliya waxa uuna imaaday kadib markii ansixinta Mooshinka ay kulan degdeg ah isugu yimaaden Mas’uuliyiinta Maamulka qaraarkuna uu sidaa kusoo baxay.
———
Tillbaka